Xaaladda Baladweyne oo dagan kadib dagaal khasaaro badan dhaliyay

Image

14 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Baladweynaya ayaa sheegay in xaalku daganyahay isla markaana lawado dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dirir markale dhexmartay beelo shalay ku dagaallamay xaafadda Howl-wadaag ee magaaladaasi.

Waxgaradka deegaanka ayaa wadda dadaalo lagu soo afjarayo colaal dhex taalla beelaha dagaallamay, waxaana la qorshaynayaa in ciidamo lakala dhex dhigo maadaama soo laab-laabteen dirar qorshaysan oo labada dhinac dhexmaray.

Arrintan ayaa timi kadib dagaal xooggan oo shalay kadhacay xarunta gobolka Hiiraan, waxaana la shaaciyay dhimashada 10 ruux iyo dhaawac Soddon kale.

Hubka fudud ayaa labada dhinac isweydaarsadeen, waxaana rasaastu haleeshay dad ku sugnaa meelo ka baxsan halka lagu dagallamay.

Dhowr jeer oo hore xaafadda Howl-wadaag waxaa ka dhacay dagaal labada dhinac dhexmaray, kuwa qarsoodi ah oo la xiriira aanooyin qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM