Xaaladda Guriceel oo caawa degen kadib dagaalkii maanta

Image

February 24, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta mar kale dib uga qarxey degamada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Dagaalka oo ka dhacay duleedka magaalada wuxuu dhex maray mileeshiyaad ka tirsan ururka Ahlu Sunna iyo ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey ee Guriceel naga soo gaarey ayaa sheegaya in xaaladda degmadaasi caawa deggen tahay inkastoo weli saan saan colaadeed laga dareemayo

Dhinacyada dagaalamay ayaa isku hor fadhiya goobihii maanta dagaalku ka dhacay waxaana weli degmada gacanta ku haya xoogagga taabacsan Ahlu Sunna.

Ma ahan markii ugu horreysey ee ciidamada dowladda iyo mileeshiyaadka Ahlu Sunna ay halkaas ku dagaalamaan.

Laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore, Guriceel iyo deegaanada ku xeerran waxaa ka dhacay dagaallo galaaftay nolosha ku dhowaad afartan qof tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaarey. Waxaa sidoo kale Guriceel ka barakacay boqollaal qoys kuwaasoo xilligan ku usgan tuulooyinka hoos taga degmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM