Xaashi oo sharaxay kaalintii Farmaajo ee dhiibistii Qalbi-Dhagax
MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay xukuumadda Rooble ee la xiriiray ONLF iyo Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Farmaajo uu markii la dhiibayey Qalbi-Dhagax uga baxay ballan uu ka qaaday oo aheyd inaanu dhiibi doonin.
Xaashi oo sheegay inuu aad ugu farxay go’aanka xukuumadda Rooble, ayaa sheegay in talaabadaan uu mudo dheer ku taamaayey, marar badana uu kula taliyey madaxdii hore si looga laabto go’aankaan meel ku dhaca ku ah Soomaaliya.
“Waxaad saxdeen dembi horay u dhacay oo dowladdii Farmaajo madaxda ka ahaa ay gashay, kaas oo ahaa in la dhiibo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo aan dalkiisa ka gelin wax dembi ah, ururka ONLF oo u dagaalama xorriyada Soomaalida dulman ee la heystana ku sifeysay urur argagixiso ah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.
Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in go’aankii xilligaas ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Qalbi-Dhagax iyo ururka ONLF uu aad uga naxay, “Wixii tabarteyda ahaa waan ka geystay, waxaan soo jeediyey talooyin badan, laakiin cidina igama hoos qaadin” ayuu tibaaxay.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo hadalkiisa raaciyay in go’aankii ka soo baxay xukuumadda uu farxad weyn geliyey, kaas oo meesha ka saaray gefkii ay geysatay dowladda Farmaajo, “Waa ku mahadsanyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xukuumadiisa”.
Inkastoo Cabdi Xaashi iyo Rooble ay hada isku khilaafsan maamulka doorashada goboladda waqooyi hada Xaashi waxa uu bogaadiyay talaabada Rooble iyo xukuumadiisa “go’aankii ay ku saxeen qaladkii laga Qalbi-Dhagax iyo ONLF".
Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in Farmaajo uu ka balan qaaday in Qalbi-Dhagax aan loo dhiibi doonin Itoobiya habeenkii ka horeeyey maalinkii la dhiibay, balse ay soo baxday in muwaadinkaas la dhiibay. Waxa uu intaasi ku daray “in wixii maalinkaas ka dambeeyey uu aad u nacay Farmaajo”.
Qalbi-Dhagax oo soo dhaweeyay go’aanka xukuumadda Rooble, ayaa sheegay in uusan cafi doonin xubnihii ka soo shaqeeyey in Itoobiya loo dhiibo, ururka ONLF-na lagu shaabadeeyo argagixiso, isagoo caddeeyey in kiiskiisa gacanta ugu weyn uu ku lahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.
Qalbi-dhagax oo laga soo qabtey magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta ay maamusho Galmudug ayaa maalmo ku qaatay xabsiga Godka Jilicow kahor inta aan 28-dii August, 2017 loo dhoofin dalka Itoobiya.
Kiiskan ayaa wuxuu kamid yahay qadiyado badan oo bar-madow ku noqdey maamulka muddo xileedkiisu idlaadey ee Farmaajo isla markaana saameyn weyn ku yeelan doona damaciisa in uu mar kale soo laabto.
GAROWE ONLINE