Xaaska madaxweynihii hore ee Ivory Coast oo makamad lasoo taagey

Image

December 27, 2014 (GO)- Maxkamad ku taalla magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast ayaa bilowday dhegeysiga dacwad ka dhan ah xaaska madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast,  Laurent Gbagbo.

Haweeneydan oo 65 jir ah laguna magacaabo Simone Gbagbo waxaa lagu soo eedeeyey inay qayb ka qaadatay kicinta rabshadihii dadka badani ku dhinteen ee dalkaas ka dhacay kadib doorashadii madaxtinimada ee lagu murmay sanadkii 2010.

Waxaa sidoo kale isla shalay maxkamada la horkeenay 82 qof oo  kamid ahaa taageerayaasha  Laurent Gbagbo isuguna jirey dad rayid ah iyo xubno militeriga ka tirsan.

"hadii lagu helo dambiyada loo haysto waxaa la xiri doonaa ugu yaraan labaatan sano, sababtoo ah dembiyada loo haysto waa kuwo liddi ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka" sidaas waxaa yiri dacwad oogaha maxkamada Soungalo Coulibaly.

Dowladda Ivory Coast ayaa horay u diidey in Simone Gbagbo  loo gudbiyo makamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka (ICC) maadaama lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka. Simone ayaa xabsi guri ku jirtey laga soo bilaabo sanadkii 2011.

Ku dhowaad saddex kun oo qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay doorashadii 2010 markaasoo madaxweynihii hore ee Ivory Coast ka dhego adaygay inuu xukunka ka dego kadib markii uu guuleystey murashaxii la tartamay ee Alassane Ouattara.

Ciidamo daacad u ahaa Ouattara oo kaashanaya militeriga France ayaa ugu dambeyntii April 2011  ku guuleystey inay xukunka ka tuuraan Gbagbo lana soo xiro isaga iyo qaar badan oo kamid ah taageereyaashiisii siyaasadda.

Laurent Gbagbo iyo nin kale oo ay aad isugu dhowaayeen laguna magacaabo Charles Ble Goude waxay xilligan ku xiran yihiin dalka Netherlands iyagoo sugaya go'aanka maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM