Xaawo Cali Samtar: Marwadii hore ee qaranka oo geeriyootay

Image
Ma jirto farah-faahin dheer ah oo laga bixiyay geerida iyo aaska marwo Xaawo Cali Samatar.

ABU DHABI, UAE – Allah ha u naxariistee waxaa dalka Imaaraadka ku geeriyooday marwadii hore ee qaranka Xaawo Cali Samtar oo aheyd marwaadii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed, waxaana geerideeda xaqiijiyay xubno ka trisan qoyskeeda.

Ma jirto farah-faahin dheer ah oo laga bixiyay geerida iyo aaska marwo Xaawo Cali Samatar.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra'isul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi ka diray geerida Marwo Xaawo Samatar.

Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo umada Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay marxuumada sida ku cad qoraal ay haabisay Villa Somalia.

"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo musharax madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumada isaga oo yiri “Alle Ha’unaxariisto oo janadii ha geeyo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd marwada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , AHUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Deni, ayaa hadalkiisa ku daray “Waxaan tacsi u diraya dhammaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay, alle janadii ha geeyo marxuumada”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa internet-ka ku sheegay “Allaha u naxariisto Marwadii koowaad ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ku geeriyootay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta”.

Musharax madaxweyne Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa raaciyay “Kitaabkeeda midigta Allaah haka siiyo,waxaan uga tacsiyaynayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo ay ka baxday”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu madaxweyne kumeelgaar ah intii u dhaxeesay 4 Oktoobar 2004ta ilaa 29 Decembar 2008. Cabdullahi Yuusuf waxa uu dhintay 23kii Maarso 2012 isagoo xaanun uu jiifa in mudo ah cusbitaal ku yaala Imaaraatka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM