Xafiiska Rooble oo shaaciyey natiijada kulanka musharaxiinta

Image
Is-araggan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan ay hanjabaad kasoo baxdey tartameyaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa fahfaahin ka bixiyey kulanka uu maanta la yeeshay qaar kamid ah xubnaha golaha midowga musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad laguna daabacay ciwaanka uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa lagu caddeeyay in ay isla qaateen sidii loo adkeyn lahaa daahfurnaanta doorashooyinka heer qaran.

Hoos ka akhriso bayaanka

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha  XFS iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa wax ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay  iminka wax u socdaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Musharaxiinta uga warbixiyay dadaalkiisa joogtada ah ee la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray  Guddiyada doorashada in  ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka  ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed  iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiyada  Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed  iyo heer Federaal uu u qabanayo  sidoo kale shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada isaga oo caddeeyay in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.


Kulanka musharaxiinta iyo Rooble ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan uu goluhu ku hanjabay in ay dowlad kale la dhisayaan waddanka haddii ay qaabka ay dureen kusii socoto xulista xubnaha golaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM