Xafiisyo kamin ah wasaarada diinta Soomaaliya oo "la xiray"

Image
Xafiiska hanti dhowrka guud ee Soomaaliya oo baaritaan wada ayaa la sheegay in uu talaabadan qaadey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska hanti dhowrka guud ee Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah albaabada isugu laabtey qaar ka mid ah xafiisyada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, sidda ay wararku sheegayaan.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo la sugayo baaritaan ku saabsan qaabka loo maamulay qoondada dalka ka helay gudashadda xajka ee sanadkan 2022-da.

Hanaanka loo maareeyay qoondada ka timid boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay in loo maareeyay ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq, sida ay wararku sheegayaan.

Wasaaradda Cadaaladda dowladda Puntland oo qaadacdey qiimaha ay Xajka sanadkan u jaan-goysay xukuumadda federaalka Soomaaliya kaasoo ah $5,230 ayaa dalbatay "dib-u-habeyn degdeg ah maadaama dadka Soomaaliyeed aysan awoodin lacagtaas faraha badan".

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa shaaciyey in dowladda federaalka ay "siyaasaddeysay" arrimaha Xajka sanadkan. 

"Qoondadii Sacuudiga ina siiyey oo ahayd 2,082 ayay kusoo koobeen 350," ayuu yiri dhamaadka bishii lasoo dhaafay mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada caasimada ah ee Hargeysa.

Xukuumadda Riyadh ayaa lasoo wariyey in qorsheysay in guud ahaan waddanka Soomaaliya ay sanadkan 2022-da kasoo xajiyaan 5,206. Xukuumadda Muqdisho ayaan wali ka jawaabin eedeynta maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM