Xamsa oo ku baaqay in loo midoobo "soo kabashada dalka"

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay ka dhacdey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay wuxuu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 1-dii Luulyo ee madaxda qaranka kaga qeybgaleen Muqdisho.

Xuskan oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa ku saabsan gobolladii koofureed ay ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga, isla maalintaana ay midoobeen gobolladii Waqooyiga iyo Koofurta.

Xamsa ayaa ugu horeyn wuxuu hambalyo ku aaddan maalintan weyn wuxuu u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed xusuusiyey muhiimadda maalintani u leedahay, isagoo ugu baaqay in ay u midoobaan horumarka iyo dib u soo kabashada dalkooda.

Isaga oo ka hadlayay munaasabadda 26-ka June, Xamsa ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay hortabinta koowaad u yahay sidii walaalaha Somaliland loogu qancin lahaa in aya aqbalaan midnimada.

"Anigoo garowsan tabashada walaaleheenna Waqooyi ee hormuudka u ahaa xornimada iyo midnimada dalka, waxaan ballan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxiyeen xormimada iyo midowga mid u dhigma ku bixiyo xallinta tabashadooda si loo helo Soomaali heshiis ah oo mustaqbalkeeda wadajir u dhisata," ayuu tibaaxay.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale hase ahaatee waxay dunida u aqoonsan tahay dowlad goboleed si toos ah u hoostaga xukuumada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM