Xamse: Afar waxyaabood baa hortaagan horumarka Soomaaliya

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay shir uu ka furay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu magaaladda caasimada ah ee Muqdisho furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan ayaa kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Xamse ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar waxyaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.

Wasiirka koowaad ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Ra'iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa tibaaxay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.

Xukuumaddiisa ayuu tcaddeeyay in ay dhallinyarada u abuurayso fursado shaqo. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayuu ku bogaadiyey abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM