Xamse: Al-Shabaab waa in masaajidada xitaa lagu dhex dilaa

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare oo la hadlayay bulshada reer Aadan Yabaal ee dhowaan laga saarey Al-Shabaab ayaa jeediyay khudbad inteeda badan ahayd wacdi diini ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumada ayaa dadweynaha u sheegay in Nabi Maxamed NNKH laga soo xigtay "in kooxda Khawaariijta ah lagu dhex ugaarsado masaajidada iyo meel kasta".

Xamse ayaa tibaaxay in dib loo furo masaajidadii xirmay, dugsiyadii qur’aanka ee ay Al-Shabaab xireen, lagana shaqeeyo sidii dadka looga sixi lahaa caqiidada diimeed ee ay kooxdani marin habaabisay.

Degmada Aadan Yabaal oo muddo ku dhow dhawr iyo tobon sano ay haysteen Al-shabaab ayaa markii ugu horeysey ku noqotay gacanta dowladda kadib kacdoon shacab oo muddo bilo ah socday.

Dad qaar ayaa sheegay in Xamse uu yahay Ra'iisul Wasaarihii labaad ee tagay magaaladaas abid. Alle ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma;arke ayaa magaaladani tagay sanadkii 1962-dii, sida uu goobta ka sheegay Prof Xasan Sheekh oo waftiga Xamse qeyb ka ahaa.

Waftiga ayaa waxaa la socday ganacsato, odayaal iyo aqoonyahano degmada kasoo jeeda, kuwaas oo qaarkood ay ugu dambeysay wax ka badan 30 sano. Balse waxa ay diyaaradda ka buuxsantay wasiirka caafimaadka.

Hay’adda maareynta masiibooyinka oo guddoomiyaheeda uu waftiga qeyb ka ahaa ayaa magaalada geysey raashiin loogu talogalay illaa 4 kun oo qoys.

Waxaa kale oo socda dedaalo lagu furayo goobihii waxbarashada iyo caafimaadka, iyada oo dowlad goboleedka Hirshabeelle ay ku mashquulsan tahay dhismaha maamul hoose oo ay degmada haatan yeelato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM