Xamse Barre oo la filayo in uu baneeyo xilka Xildhibaanimada
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu waramay in uu ku qancay in uu iska casilo xilka xildhibaanimada, sidda ay xaqiijinayaan warbixinadda laga helayo illo wareedyo wargal ah.
Kursigan oo tirsigiisa yahay HOP203 ayaa Xamse ku heley doorasho xarunta ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo ka dhacday sanad ka hor gaar ahaan taariikhdu marka ay ahayd Dec 28, 2021.
Kursiga waxaa horey ugu fadhiday Sahro Xaaji oo soo noqotey wasiir ku xigeenkii arrimaha bulshada dowladda federaalka, taas oo kursiga ku weysay khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Weli cidna ma aysan shaacin cid kursigani u tartamaysa, balse musharixiin dhawr ah oo ay ka mid tahay haweenay lagu magacaabo Xaliimo Godane ayaa ka mid ahaa kuwa aad u danaynayay markii ugu dambeysey ee kursigan tartan la galiyay.
Kursigan ayaa waxaa horey ugu loolamay rag ay ka midyihiin Col Cabdullaahi Cilmooge, wasiirkii hore ee warfaafinta, Ilyaas Badel Gaboose oo hadda ah xildhibaan Aqalka Sare iyo Cabdi Maxamed Tarax oo mar kursigan kusoo fadhiyay, ahaana wasiir hore.
Guddi isku-dheelatiran
Xamse Cabdi Bare ayaa Talaaladii magacaabay guddi kumeelgaar ah oo la sheegay in ay qabanayaan kuraasta ka banaan ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kuraasta banaan waxaa ugu caansan labada kursi ee labadii mas’uul ee isaga dambeeyay xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin iyo Mahad Salaad.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in marka hawshan dhamaystaan in guddigani uu yahay kan badelaya guddigii doorashada Madaxa Banaan ee Xaliimo Yareey ay madaxda ka ahayd, kaas oo waqtigiisa dhamaaday.
"Labo astaamood oo waaweyn ee ah tiradiisa oo ah 9 xubnood iyo in la isu dheelitiray qaabka awood qeybsiga beelaha ayaa kamid ah waxyaabaha xoojinaya tuhunkan," ayay raaciyeen falanqeeyeyaasha.
Guddigan ayaa ah kala bar guddigii hore ee doorashadii 15, May dhamaatay qabtay, waxaana ka mid ah Moowliid Mataan, Cabdi Xiis Udan, iyo Maxamed Aadan, halka Cabdullaahi Garoon uu ka mid ahaa guddigii 2016-kii.
GAROWE ONLINE