Xamse Cabdi Barre oo baaq u diray ganacsatada Soomaaliya

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay daafurka Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daahfuray Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Xamse oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
 
Dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ayuu hoosta ka xariiqay in ay ii doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.
 
Wasiirka koowaad oo sii hadlaya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha.
 
Ganacsatada ayuu ku waaniyay in looga baahan yahay in ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.
 
Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa'iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.
 
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal galisay in Dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM