Xamse Cabdi Barre oo codsi horleh u diray Bangiga Aduunka

Image
Dowladda ayuu xusay in ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Xamse ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliya dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.

Dowladda ayuu xusay in ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka imaan doonto "meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado".

Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM