Xamse Cabdi Barre oo helay kalsoonida baarlamaanka 11aad

Image
Xamza ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuuna badalayaa Maxamed Xuseen Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay si aqlabiyad leh u meelmariyeen ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sidda uu sheegay guddoonka Aqalka Hoose, 220 mudane oo fadhiga soo xaadirtey ayaa qaab gacan taag ah ku ogolaatay magacaabida Xamse. Ma jiro xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Kulankan maanta qabsoomay oo la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadaama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Mr Barre ayaa maalmihii tegay kulamo gaar gaar ah la yeelanayey xildhibaannada baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo xooggan.

Xildhibaano badan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka qaba inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, taasi oo u sahleysa Xamza inuu helo codka kalsoonida.

Caqabadda ugu weyn ee Xamza hortaalla ayaa imaneysa marka uu soo dhiso golaha wasiirada, markaasi oo xildhibaano badan oo golaha iska waaya la filayo inay caqabad ku noqdaan ansixinta golaha wasiirada.

Xamza ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuuna badalayaa Maxamed Xuseen Rooble oo ah wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM