Xamse Cabdi Barre oo ka digay faafinta wararka been abuurka ah

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir ka furmay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta Taban ee ay Bulshada ku Leeyihiin.

Shirkan oo socon doona muddo Labo maalmood ah, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeyn doonaa Saamaynta wararka been-abuurka ay ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida, sumcadda dalka, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo xakameyn karo.

Xamse ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Xukuumaddiisa ayuu xusay Ra'iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Wasiirka koowaad ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada in ay si xilkasnimo leh u isticmalaan baraha bulshada, ilaaliyaan anshaxa, halbeegyada saxaafadda iyo hubinta macluumaadka ka hor inta aysan daabicin, dowladduna aysan kaligeed ku guuleysan karin, haddii aan wadajir looga hortagin wararka been abuurka ah.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaa inta uu socdo la isku waydaarsan doonaa doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadanayaan hawlwadeenno ka kala socda hay'adaha dowladda, warbaahinta dalka, bulshada rayidka ,culimada ah ah iyo khuburo caalami ah oo gacan siinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM