Xamse Cabdi oo "xoojinta iskaashiga" ugu socdaalay Jabuuti

Image
Image
Image
Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro dagaal saddex jiho oo ka dhan ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu ku jiro dagaal isla markaana qaybo badan oo kamid ah ay ka soconayaan howlgalo ay iska kaashanayaan dadka degaanka iyo ciidamadda xoogga.

Sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda, howlgaladan oo afartii bilood lasoo dhaafay ka socdey gobolada Hiiraan, Shabeellooyinka, iyo Galgaduud waxaa lagu xoreeyay in ka badan 40 degaano.

Sidoo kale, waxaa Al-Shabaab looga dilay boqolaal dagaalameyaal ah, sidda ku xusan warbixinta. Dabcan, sidoo kale waxaa jira khasaaro soo gaarey ciidamadda iyo dadka degaanka.

Madax sarre oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuna jiro agaasimaha sirdoonka Mahad Salaad ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda uga arrin-sadey joojinta maalgelinta kooxaha argagixisada ah.

Xukuumada federaalka ah ayaa waxay horey ugu dhawaaqdey dagaal saddex jiho — ciidan ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaan — oo ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab kuwaasoo dhankooda kordhiyey weerarada iyo dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM