Xamse Cabdi oo "xoojinta iskaashiga" ugu socdaalay Jabuuti

Image
Image
Image
Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro dagaal saddex jiho oo ka dhan ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu ku jiro dagaal isla markaana qaybo badan oo kamid ah ay ka soconayaan howlgalo ay iska kaashanayaan dadka degaanka iyo ciidamadda xoogga.

Sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda, howlgaladan oo afartii bilood lasoo dhaafay ka socdey gobolada Hiiraan, Shabeellooyinka, iyo Galgaduud waxaa lagu xoreeyay in ka badan 40 degaano.

Sidoo kale, waxaa Al-Shabaab looga dilay boqolaal dagaalameyaal ah, sidda ku xusan warbixinta. Dabcan, sidoo kale waxaa jira khasaaro soo gaarey ciidamadda iyo dadka degaanka.

Madax sarre oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuna jiro agaasimaha sirdoonka Mahad Salaad ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda uga arrin-sadey joojinta maalgelinta kooxaha argagixisada ah.

Xukuumada federaalka ah ayaa waxay horey ugu dhawaaqdey dagaal saddex jiho — ciidan ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaan — oo ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab kuwaasoo dhankooda kordhiyey weerarada iyo dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM