Xamse Cabdi: Waxaan la wareegay dal ay argagixiso ka taliso

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay xireen 250 xisaabaad oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen 4 bangi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo meel fagaaro ah kula hadlayay jaaliyadda Soomaalida Masar ayaa markii ugu horeysey faahfaahin ka bixiyay dagaalka dhaqaalaha ee lagula jiro Al-Shabaab.

Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay in Alshabaab ay markii hore gaareen heer iyaga ay "maalgeliyaan" ururada kale ee argagixisada Afrika, Soomaaliyana ka abaabulaan duulaanada dunida kale lagu qaado.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa xusay in adduunyada go’aansaday qorshe lagu magacaabo ‘halkooda ku haya’ ama waxa loo yaqaano "containment policy".

"Waxaan la wareegnay dal ay argagixiso ka taliso miyi iyo magaalo taasaa nagu qasabtey in aan abaabulo dagaal saf ballaaran oo ka dhan ah Khawaariijta," ayuu ka dhawaajiyey.

Balse wuxuu caddeeyay in dagaalkii ay xukuumadda ku qaadday ururkan, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha lagu xirey 250 sanduuq bangi oo ay ku lahaayeen 4 bangi oo Soomaaliya ku yaala.

Wallow uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya warkiisa, Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in ay xireen 70 nambar taleefoon oo lacagaha danabaysan loogu dirayay.

Lacagahan ayuu tibaaxay in dowladda meel ku hayso, dadkii xoogga looga qaadana loo ballanqaaday in dowladda siin doonto lacagtooda. Ma uusan sheegin cadadka lacagaha illaa hadda laga xayiray Al-Shabaab.

Xoolihii ay ka uruursan jireen reer miyiga ayuu ka shanqariyey in ay meesha ka baxday kadib markii ururkani laga saaray deegaano badan, taasina ay ka qeybqaadatay in qalalaase dhaqaale uu soo wajoho Al-Shabaab.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortey madaxtinimada Soomaaliya May, 2022, maamulkiisa ayaa hogaamiyey dagaal saddex geesood oo ka dhan ah Al-Shabaab - ciidan ahaan, feker ahaan iyo dhaqaale ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 08:22PM

Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 12:49PM