Xamse: Dadka Hiiraan waxay tixraac sharfan u yihiin Soomaali

Image
Image
Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqdey goobihii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab weerartey gudaha Beledwayne.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran, xilli uu sii labo-lixaadsanayo halganka ummadda ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Xamse iyo wafdigiisa waxaa garoonka dayaaradaha ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Mudane Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay safarkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka, ayaa booqashada ku tagey Hiiraan waxay ahmiyad gaar ah u leedahay qorshaha dib-u-xoreynta dalka ee la magac baxay DULMIDIID, maadaama gobolkani yahay halka uu ka curtay halganka hubeysan ee looga soo horjeedo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, kaas oo durba laga soo hooyey guulo lagu diirsaday.

Barre ayaa inta uu booqashadiisa ku gudajirey wuxuu booqday goobihii ku burburay weerarradii dhawaan argagixisadu la beegsatay qaraxyada ee xarunta maamulka gobalka, halkaas oo ku naf waayeen dadweyne aan waxba galabsan.

Wuxuuna kulamo la yeeshay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta gobolka ee hoggaaminaya kacdoonka reer Hiiraan ay isaga dulqaadayaan kooxaha jid iyo jiho diidka ah ee caadeystey dilka, boobka iyo cabsigelinta shacabka, islamarkaana ragaadiyey horumarka dalka.

“Dadka Reer Hiiraan waxaan leeyahay ha niyad jabina, keligiin ma tihiin. Ummadda Soomaaliyeed ayaa garab iyo gaashaan idiin ah. Waa la idin la joogaa. Horay, gadaal iyo hareerahaba waa la idinka jiraa ee halganka halkiisa ka sii wada”, ayuu yiri RW. Xamse oo farriin guubaabo ah u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamay in ay “tixraac sharfan” u yihiin ummadda Soomaaliyeed ee xorriyadda jecel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM