Xamse: Hogaanka Puntland yuusan siyaasadeyn deyn-cafiska

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in Puntland laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa wuxuu diray baaq ku aaddan xaaladda Puntland iyo xiriirka kala dhexeeya Hay'adaha Federaalka ah.

Xamse oo ka hadlay xaflad ka dhacdey Muqdisho ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in aan la siyaasadeyn horumarka, lagana shaqeeyo danta Qaranka iyo darooshooyin la isku raacsan yahay oo ka dhaca Puntland.

"Kawarama haddii deyn-cafiksii oo xukuumaddan ay shaqo badan gelisay laga yaabo in ay u fashilanto shir la isugu imaan lahaa oo Puntland ay ka baaqatay? Yaa qaadaya mas'uuliyadaas? Shacabka Puntland ma qaadayaan. Hogaanka Puntland ayaa ka mas'uul ah," ayuu yiri Xamse oo aan magacaabin madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka koowaad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux-sadey in hogaanka Puntland uu is-hor-taagay mashriic horumarineed oo ay dowladda federaalka ka fulin lahayd degaanada maamulka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xamse ayaa intaas ku daray in Deni uu wasaaradaha federaalka ka mamnuucay in ay tagaan magaalada Garowe, iyo in dhalinyarada Puntland ay helaan shaqooyinka dowladda federaalka ah.

"400 macalimiin ah ayay dowladda federaalka diyaar u tahay in ay mushahar siiso oo ay wax macno ah kusoo kordhiyaan waxbarashadda Puntland. Horumarka yaan la siyaasadeyn," ayuu hoosta ka xariiqay Xamse.

Madaxda Puntland ayuu mar kale ka codsadey in ay dowladda federaalka kala shaqeeyaan arrimaha deyn-cafiska isla markaana aysan siyaasad ku lifaaqin "si ceebtaas looga dulqaado shacabka Soomaaliyeed".

"Shacabka Puntland waa in ay ogaadaan arrintaas ayaa jirta, waa in ay ka dhiidhiyaan oo ay diidaan in magacooda lagu fashiliyo geediga dheer ee loosoo galay deyn-cafiska," ayuu carabka ku adkeeyay Ra'iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, Xamse ayaa ku dhawaaqay in dowladda federaalka aysan marnaba aqbali doonin in degaanada Puntland laga hirgeliyo nidaam doorasho oo aysan heshiis ku ahayn dhinacyada isku-haya siyaasadda.

"Gorgortan ka gelimayno jiritaanka Puntland, in lagu xadgubo iyo in dagaal laga rido waa qad xas; qof laga yeelayo ma jito. Waa loosoo dhintey, waa loosoo rafaadey, waana loosoo dhibtoodey," ayuu si cad u tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Mushahaarka u kordhiyay Ciidamada Somaliland

Madaxweyne Irro ayaa sidoo kale ballanqaaday in la hagaajin doono xirfadaha iyo awoodda ciidamada Somaliland.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 09:36AM

Madaxweynaha Soomaaliya Masar tagey kadib heshiiskii Itoobiya

Booqashadan ayaa timid xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay xalliyeen xiisadihii u dhexeeyay, kadib heshiiskii Ankara ee 11-kii December.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 06:17AM