Xamse iyo Cagjar oo kawada hadlay dabargoynta Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Kulankan ayaa labada mas'uul wuxuu ku dhexmaray magaaladda Jigjiga ee Soomaali Galbeed.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka iyo dabargoynta kooxda argagixisada ah ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM