Xamse: Ma jiro cadow ka weyn musuqa oo dalkeenna heysto

Image
Xafladda maalinta caalmiga ah ee la-dagaallanka musuq-maasuqa ayuu hadalkan ka sheegay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna abuuro dabaqado kala sarreeya

Xukuumadda Dan Qaran ayuu tibaaxay in ay ka go’an tahay cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

Mr Xamse ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta, sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM