Xamse oo Afrika ku booriyey ku dhaqanka maahmaah Soomaali ah

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum ee looga hadlayo khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika.

Caqabadaha heysta qaaradda ayuu xusay wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Tusaale ayuu soo qaatay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “Rag Gogoshii Waa Nabad” taasi oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka bulshooyinka qaaradda Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku nuux-nuux-sadey ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda iyo amniga.

Amniga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaaradda ayuu tibaaxay in ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaallanka argagixisada ayuu ku qeexay in dhul baaxad weyn oo boqolaal kilomitir ah laga xorreeyay dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba ayuu carabka ku adkeeyay in ay go’aansadeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa al-Shabaab iyada oo lagala dagaallamayo dhinac militeri, dhaqaale iyo fikirba.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo. Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kamid ah madaxdan kaasoo khudbadiisa uga hadlay arrimo uu ammaanka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM