Xamse oo Afrika ku booriyey ku dhaqanka maahmaah Soomaali ah

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum ee looga hadlayo khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika.

Caqabadaha heysta qaaradda ayuu xusay wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Tusaale ayuu soo qaatay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “Rag Gogoshii Waa Nabad” taasi oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka bulshooyinka qaaradda Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku nuux-nuux-sadey ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda iyo amniga.

Amniga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaaradda ayuu tibaaxay in ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaallanka argagixisada ayuu ku qeexay in dhul baaxad weyn oo boqolaal kilomitir ah laga xorreeyay dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba ayuu carabka ku adkeeyay in ay go’aansadeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa al-Shabaab iyada oo lagala dagaallamayo dhinac militeri, dhaqaale iyo fikirba.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo. Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kamid ah madaxdan kaasoo khudbadiisa uga hadlay arrimo uu ammaanka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM