Xamse oo amar dul-dhigay dadka dagan guriyaha Dowladda

Image
Dhagax-dhiga xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayuu hadalkan ka sheegay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.

“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”.

Waxa uu sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda.

Dib-u-dhiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM