Xamse Cabdi Barre oo amar dul-dhigay wasaarado

Image
Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah.

Wasaaradaha kulanka ka qeyb galay ayaa soo bandhigay qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama ay argagixisadu muddo badan cunaqabateyn ku heysay, kana hortaagnayd adeegyadii dowladda.

Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa xusay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM