Xamse oo amar kasoo saarey "isku-dayada cabsi-gelinta" Al-Shabaab

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa fariintan si toos ah ugu diray ciidanka booliska Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka.

Xamse oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada, maadaama ay isku dayi karaan falal naf-lacaari ah oo lagu dhibaataynayo shacabka.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, hormurmaka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsi gelinta iyo ficillada gurracan ee argagixisadu maleegayaan," ayuu xusay.

Wasiirka koowaad oo tilmaamay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaga aaddan deegaannada laga xorreeyey argagaixisada, ayaa ku booriyey in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco kooxahan caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Barre ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee (Comando Polizia), isagoo warbxinno kaga dhageystay hoggaanada ciidanka. Sidoo kalena booqday xarunta ciidanka ilaalada xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

Dhawaqa ra'iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen warar sheegaya in Al-Shabaab ay kusoo rogtay ganacsatada Muqdisho in ay bixiyaan lacag horumaris muddo laba sano taasoo dowladda ay ka digtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM