Xamse oo ammaanay kaalinta Midowga Yurub ee Soomaaliya

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub ayaa ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.

Xamse ayaa tilmaamay "in Midowga Yurub uu tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya".

"Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey".

Wasiirka koowaad ayaa xusay "in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed".

“Taageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamarkaana kulansaday karti iyo hufnaan," ayuu ka shan-qariyey.

Dhankooda, Midwoga Yurub ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxa ayna soo dhoweeyeen Geeddi-socodka Wadashaqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay, iyagoo ku bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM