Xamse oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Masar

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay.

QAAHIRA, Masar - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Xamse ayaa lagu waddaa in uu halkaas kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

"Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah," ayuu yiri xafiiska Xamse.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM