Xamse oo diray baaq la xiriira dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegey madasha shirka Sharm El Sheikh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madasha shirka Sharm El Sheikh ayaa ku nuux-nuux-saday ahmiyadda ay leedahay in Bangiyada Horumarinta ay noqdaan kuwo ka jawaaba caqabadaha la soo gudboonaada dal.

Xamse oo dood-cilmiyeed kala qaybgalay Ra’iisul Wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynayaaha Comoros iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira-dhalintooda ay u horseedi karto Soomaaliya horumar iyo barwaaqo.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda oo madaxda kala duwan ee madasha ka soo qaybgashay la wadaagay sida ay dowladdiisu guulo la taaban karo uga soo hoysay horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada, si looga baaqsado fatahaadaha soo noqnoqda iyo abaaraha dabadheeraaday.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wadammada ka soo kabanaya colaadaha ee ku jira dowlad dhiska sida Soomaaliya oo kale ay dhibaatooyin badan kala kulmaan sidii ay dib ula soo qabsan lahaayeen nidaamka dhaqaalaha adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM