Xamse oo fariin u diray agaasinka cusub ee hay'adda socdaalka

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay'adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaas oo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay'adda.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay'adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Xamsa ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo, isla markaana ah halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM