Xamse oo furay shir looga hadlayo ka hortagga cudur halis ah

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa madasha waxa uu ka sheegay in xukuumadiisu ay soo dhaweynayso kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo ciribtirka cudurrada halista ah sida dabaysha, si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan arrintan iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo kor u qaadidda barnaamijka tallaalka, si loo badbaadiyo carruurta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM