Xamse oo ku amray wasiiradiisa in ay tagaan furimaha dagaalka

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay shirka todobaadlaha ee golaha xukuumadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Khamiista maanta ah waxa uu guddoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha wasiiradda kaasoo ka qabsoomay magaala madaxda dalka Muqdisho.

Xamsa ayaa sheegay "in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda.

"Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa.

Wasaaradaha ayuu faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka.

Sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaare Xamse, wasiiradda ayuu amar ku siiyey inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

"Hadafka Xukuumadda waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM