Xamse oo Muqdisho ka daahfuray Bangiga Dhiigga Qaranka

Image
Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa waxaa la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka, ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta.

Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM