Xamse oo sameeyay balanqaad la xiriira dagaalka Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli maleyshiyadda ay kordhisay weeraradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.

Mr Xamse ayaa tilmaamay in wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagaixisada ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xorreynta goobaha ay argagixisadu ka soo maleegayaan daadinta dhiigga shacabka, isagoo la wadaagay murugada geerida ehellada shacabkii ay argagixisadu ku gumaadeen gobolka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyeynaya ciidanka qalabka sida iyo shacabka isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay," ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: "Dagaalka cadowgana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayan, saakay oo u danbeysay waxaa laga xorreeyey deegaanka Basra oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuuna sii soconayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan".

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Yaasmiin Samaatr, xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil iyo ururrada u dooda xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM