Xamse oo sameeyay balanqaad la xiriira dagaalka Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli maleyshiyadda ay kordhisay weeraradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.

Mr Xamse ayaa tilmaamay in wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagaixisada ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xorreynta goobaha ay argagixisadu ka soo maleegayaan daadinta dhiigga shacabka, isagoo la wadaagay murugada geerida ehellada shacabkii ay argagixisadu ku gumaadeen gobolka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyeynaya ciidanka qalabka sida iyo shacabka isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay," ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: "Dagaalka cadowgana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayan, saakay oo u danbeysay waxaa laga xorreeyey deegaanka Basra oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuuna sii soconayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan".

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Yaasmiin Samaatr, xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil iyo ururrada u dooda xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM