Xamse oo shaaciyey goorta Soomaaliya ka baxeyso "liiska xumaanta"

Image
Ra'iisul Wasaaraha xukuumada federaalka ayaa sheegay in xalka "shuruudan" ay tahay mas'uuliyad wadareed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka dhigay in Soomaaliya ay ka baxayso "liiska xumaanta" marka laga khaarijiyo "qofka ugu dambeeya ee ka tirsan Khawaariijta Al-Shabaab".

Hadalkan ayuu 8-dii bishan Febraayo, 2023 ku sheegay khudbad dheer oo uu u jeediyay Dufcadda 8-aad ee Guutada 16-aad ee Ciidamada Danab kadib munaasabad ka dhacdey xerada Balidoogle.

"Wax kasta oo xun way dhamaanayaan maalinta nimankaas lasoo afjaro," ayuu yiri. "Wax kasta oo aad tabeyso - mushahar yari, amni iyo caafimaad xum - waxay ku xiran tahay nimankaas oo lasoo afkaro," ayuu raaciyey.

Soomaaliya ayaa haatan ku suntan "dal fashilmay, dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka, mid kamid ah wadamadda ay ka jirto amni-darada ugu sareysa caalamka iyo mid kamid ah dalalka ugu saboolsan caalamka".

Dhanka kale, Xamse ayaa carabka ku dhuftey in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay "soo food-saartey dhaqaale-xumo baahsan kadib markii dowladda ay ka xayirtey dhamaan lacagihii ay haysatay".

"Waxaan la xiray oo baaritaano ku socdaa akoono iyo lamabaro. Hadda waxay Khawaariijta la il-daran tahay dhaqaale xumo. Waxaa sabab u ah dagaalka dhanka dhaqaalaha ee dowladdu qaadey," ayuu tibaaxay.

Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii dib loo doortey 15-kii May, 2022 waxa uu bilaabay dagaal saddex geesood oo ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Saddexda waji ee gulufkan leeyahay ayaa ah; dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka. Shirar kala duwan oo loo qabtey arrimahan ayaa ka dhacay caasimadda iyo meelo kale. Howlgaladda ayaa dardar ku bilowday wallow ay hakadeen.

Daneeyeyaasha caalamka ayaa bogaadiyey dhaqdhaqaaqyaddan. Balse, waxay walwal ka muujiyeen dayaca iyo feejignaan la'aanta ka jira caasimadda kuna baaqay in la adkeeyo nabad-gelyada magaala madaxda.

Weeraro qaraxyo, hoobiyeyaal iyo dilal qorsheysan ayaa tusbax afka furtey ka noqdey xarunta dowladda federaalka. Shacabka ayaa noqdey kuwa dhibta ugu badan ay soo gaarto. Balse, dowladda ayaa ku baaqdey adkeysi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM