Xamse oo shaaciyey qorshe loo diyaariyey "degaanada la xoreeyay"

Image
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed in ay u dhintaan daryeel la'aan caafimaad.

Xamsa oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso "in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan".

Wasiirka koowaad ayaa ballan qaaday "in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad"

Xukuumaddiisu ayuu xusay in ay ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, waxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahanyihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM