Xamse oo war cusub kasoo saartey daabicida shilin Soomaaliga

Image
Tani waxay imaanaysaa iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga.

Xamsa ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna, si wax looga qabto sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka koowaad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu soo bandhigay qorshaha Xukuumaddiisa ee ku wajahan dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka.

Tani waxay imaanaysaa iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Dhankooda, Guddiga Hagidda Mashruuca Kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Xaaladda Lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, hawlgalinta Xarumaha Bangiga Dhexe ee Dowlad Goboleedyada, iyo Qorshaha dhaw Dib u daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM