Xamse oo xilka kala wareegay Maxamed Xuseen Rooble

Image
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa guda galaya maalmaha xulashadda xukuumadda cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Maxamed Xuseen Rooble kadib munaasabad si ballaaran loosoo agaasimay oo ka dhacdey Muqdisho.

"Howsheyda kowaad waxaa ay aheyd qabashada doorashada, ka gudbida marxalada kala guurka aheyd ee dalka uu soo maray, Waxaana noo suuragashay in aan ku guuleysano," ayuu Rooble yiri.

Xamse oo hadal kooban jeediyey ayaa dhankiisa wuxuu madasha ka sheegay "Maxamed Xuseen Rooble, waxaa uu dalka kasoo bixiyay Marxalad aad u adag".

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa guda galaya maalmaha xulashadda xukuumadda cusub. Shantii sano lasoo dhaafay, ra'iisul wasaareyaashii ka horeeyay waxay kusoo dhiseen xukuumad 50 casho gudaheeda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Dhismaha xaruntan oo ay maalgalisay dowladda Qatar, kuna taala halkii horay loo oran jiray Xarunta Xisbiga ee degmada Warta Nabadda ayaa isugu jira, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Xarunta Xukuumadda, hoyga Ra'iisul Wasaaraha, guriga martida iyo masjid.

Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya iyo injineerrada dhisaya xarunta ayaa Ra’iisul Wasaarah cusub warbixin ka siiyay heerarkii ay soo martay howsha dhismaha xafiisyada xukuumadda oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu ay dhawaan ku shaqo bilaabi doonaan.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa cod dheer wuxuu uga mahadceliyey cid walba oo gacan ka geysatay dhismaha xaruntan oo muhiim u ah habsami u socodka adeegyada ay Xukuumaddu u qabanayso bulshada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM