Xamse: Waa in dadka la wacyi-geliyo si ula soo baxaan kheyraadka

Image
Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Kalluumaysiga heer federaal iyo maamulada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Heer Federaal iyo kan Dowladd Goballeedyada.

Wasiiraddan oo maalmihii la soo dhaafay shirar uga socday caasimada Dalka ee Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka shirarkii ay galeen iyo shaqooyinka ay umadda Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan isagoo kula dar-daarmay in bulshada lagu wacyi galiyo in khayraadka badaheena ku jira la soo baxaan sidoo kale ay tababaro iyo gacan qabad siiyaan ganacsatada yar yar ee ku hawlan sidii ay badda wax ugala soo bixi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM