Xamse: Waa in dadka la wacyi-geliyo si ula soo baxaan kheyraadka

Image
Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Kalluumaysiga heer federaal iyo maamulada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Heer Federaal iyo kan Dowladd Goballeedyada.

Wasiiraddan oo maalmihii la soo dhaafay shirar uga socday caasimada Dalka ee Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka shirarkii ay galeen iyo shaqooyinka ay umadda Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan isagoo kula dar-daarmay in bulshada lagu wacyi galiyo in khayraadka badaheena ku jira la soo baxaan sidoo kale ay tababaro iyo gacan qabad siiyaan ganacsatada yar yar ee ku hawlan sidii ay badda wax ugala soo bixi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM