Xamse: Waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda waa loo tartamayaa

Image
Xamsa ayaa ka hadlay munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana ka soo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd.

Xamsa oo ka hadlayey munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey dugsiyadii tartanka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheeriga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay.

Wasiirka koowaad ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go'an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda, si meesha looga saaro in qofku uu danihiisa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad.

Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Banaadir, Macallimiin, waaliddiin, dadweyne iyo arday ka socotay dugsiyadii tartanka ka qeyb qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM