Xamse: Weerarka Al-Shabaab ee Hiiraan sal kuma laha Diinta

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay dadka ay Al-Shabaab ku laysay degaanka Afar Irdood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa si kulul uga hadlay "weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada Al—Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan". 

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodii, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban," ayuu yiri Xamse.

Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "Waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed".

Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi aan waxba galabsan ee cadawgu sida arxan darrida ah u laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

In ka badan 20 qof oo rayid ah oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay dileen subaxnimadii hore ee saaka.

Saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen maleeshiyaatka Macawiisley una socdeen in ay u gurmadan dadkan ayaa lala eegtay miinooyin dhulka lagu aaso , waxaana laga yaabaa in khasaaruhu intaa ka badan karo.

Shan qof ayaa ku dhimatay gaariga miinada lala eegtey oo ka dhacay Afar Irdood. Dadku waxay ahaayeen gurmadayaal doonayey inay goobta ka soo qaadaan dhaawacyadda.

Xoogaga hubeysan ayaa waxay xaqiijiyeen in ay weerar ku qaadeen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas. Kooxda ayaa sheegtay in ay dileen 20 ka tirsan "maleeshiyaadka Macaawisley ee deegaanka isla markaana ay burburiyeen 8 gaari oo kuwa xamuulka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM