Xamza Cabdi Barre: Soomaaliya oo yeelatay ra'iisul wasaare cusub

Image
Xamza waa xubin ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya u xushay Xildhibaan Xamza Cabdi Barre oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 11-aad.

Xamza oo degaan doorashadiisu ay tahay maamul goboleedka Jubaland ayaa sidoo kale wuxuu yahay xubin ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

"Ra'iisul wasaaraha cusub aniga oo dardargelinaya howlgalkiisa, waxaan ka codsanayaa baarlamaanka federaalka in ay si degdeg ah ku ansixiyaan," ayuu Xasan Sheekh ka yiri shirka jaraa'id ee magacaabida.

Intii uu socdey shirka jaraa'id, Xasan ayaa ka dalbadey wasiirka koowaad ee cusub in uu dardargeliyo kuna mashquulo "dhismaha xukuumada cusub, arrimaha bulshadda iyo hagaajinta xiriirka caalamka".

"Waxaan rabnaa in xukuumadda cusub in ay noqoto mid isku soo jiida quluubta dadka Soomaaliyeed. Waxaana ugu duceynayaa ra'iisul wasaaraha cusub in uu Ilaahey u fududeeyo xilka cusub," ayuu kusoo xiray.

Soomaaliya cusub oo ku jirta waayo cusub

Xamza oo saxaafada la hadlay kadib magacaabidiisa ayaa uga mahadceliyey Xasan Sheekh in uu "u gartey xilka culus" isaga oo carabka ku adkeeyay in uu wax ka qaban doono arrimaha hortabinta leh.

"Runtii waxaan ku faraxsanahay in aan aqbalo in aan helay kalsoonidaada," ayuu Xamza raaciyey, isaga oo rajeeyay in uu heli doono kalsoonida mudaneyaasha labada aqal ee waddanka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, ra'iisul wasaaraha magacaaban ayaa ku nuux-nuux-sadey in uu soo dhisi doono xukuumad hirgelin doonta mashruuca "Soomaali heshiis ah dunida heshiis la ah".

"Waxaan u balanqaadayaa shacabka Soomaaliyeed in aan shaqeyn doono har iyo habeen una gudan doono waajibkeyga sida ugu fiican. Waxaan soo dhisi doonaa xukuumad u qalanta samatabixinta dalka," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cod dheer ku sheegay in uu Mr Xamza ku xushay "kartida aan ku aqaano" iyo "in uu Soomaaliyada cusub ee ku jirta waayaha cusub horey u sii dhaqaajiyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM