Xarunta dowlada Federaalka oo caawa lagu soo rogey Bandow
MUQDISHU 22 Jan, 2015 [GO]- Magalada Muqdisho waxaa goobo badan oo kamid ah la saaray bandow kaas oo lagu sheegay in lagu adkaynayo amaanka magaalada Muqdisho.
Waxaa gabi ahaanba la Joojiyey isu socodka gaadiidka magaalada Muqdisho halka dadka la baarayo marka ay marayaan wadooyinka waawayn.
Afhayeenka nabad sugida Somalia oo warbaahinta dowlada ka hadlay ayaa dadka ugu baaqay in ay yareeyaan isu socodka tan iyo maalinta beri ah inta uu ka imaanayo madaxwaynaha Dalka Turkiga.
Galabta magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qarax la-la eegtay qaar kamid ah wafti hordhac ah oo ka socdey dowlada Turkiga kuwasoo la sheegey in ay ku shirayeen Hoteel la yiraahdo SYL.
Wariye Maxmed Xirsi Shuuke oo ku sugan magalada Muqdisho ayaa Garowe Online wax ka waydiisay xalaada hada sida ay tahay wuxuuna sheegay in gabi ahaanba caawa Jan 22,2015 ay adagtahay isu socdka magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadley weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hoteelka SYL ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey Hoteelka uu qaraxa ka dhacay oo uu booqdey ayaa sheegay in weerarkan aanu horjoogsan karin socdaalka Madaxweynaha Turkiga oo beri booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho, isagoo dhanka kalena tacsi u direy qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen laba ruux oo ka tirsanaa ciidammada amniga oo weerarkaasi lagu diley. “Ciidammada amniga ayaa xaqiijiyey in laba ruux oo argagixiso ah ay maanta gaari ku jiireen iridda hore ee Hoteelka SYL, halkaas oo labo ciidammada amniga ka tirsan lagu diley”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in kooxda Al Shabaab oo dhul badan laga qabsadey ay doonayaan inay dadka u muujiyaan inay weli nool yihiin. “Sidaan marar badan horay idin kugu sheegay Al Shabaab waxay dooneysaa inay ka dhex muuqato warbaahinta iyo inay khalkhal maskaxiyeed shacabka ku abuuraan. Laakiin dhab ahaantii jiritaankooda ma ahan mid saameyn weyn leh, waayo ma ahan kuwo adeegyada dhabta ah ee shacabku u baahan yihiin u fidin kara sida amniga, waxbarashada iyo shaqooyinka intaba. Aad baan uga xumahay in nin dhalinyaro ah uu naftiisa halligo isagoo doonaya uun in falka uu sameeyay uu ku soo baxo bogagga hore ee warbaahinta, balse dhabtu ay tahay in subaxa xigaba ay dadku wada iloobayaan. Waa masiibo aad u xun, waxaana ku cambaareynayaa hoggaamiyeyaasha maskaxda ka xadda dhalinyarada ee geyeysiiya inay geystaan falal noocaan ah.”
”Beri waxay inoo wada tahay maalin muhiim ah oo aan Muqdisho ku soo dhoweyneyno saaxiib inagu weyn, kaas oo ah Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdoğan, waxaadna maqli doontaan warar dhegahiina ay ku farxaan”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Carashiid Cali Sharmaarke, ayaa sdioo kale maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee xubnaha golaha Wasiirrada, waxana kulanka looga hadlay Amniga dalka, soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
GAROWEONLINE