Xasan iyo Abiy oo is-faham horudhac ah ku gaarey Addis Ababa

Image
Image
Image
Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Arbacada maanta ah ku kulmay magaalada Addis Ababa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Golehiisa Xukuumadda.

Labada Hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa "xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashigaiyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada".

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa "xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan".

Sida laga soo xigtey warbaahinta dowladda, labadda dhinac ayaa "isla meel-dhigay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasiloonida iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika oo wajahaya colaado iyo abaaro".

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM