Xasan Sheekh: Al-Shabaab waa maafiyo isku-qarinaysa Islaamka

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey CNN ku fahfaahiyey qorshihiisa cusub ee ciribtirka "argagixisadda".

WASHINGTON, United States - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maleyshiyaadka Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin "koox maafiyo isku-qarinaya magaca diinta Islaamka".

Xasan oo wareysi siiyey telefishinka fadhigiisu yahay Mareykanka ee CNN ayaa ku nuux-nuux-sadey in dowladiisu ay xoogga saareyso sidii "arxaan-laawayaashan" ugala dagaalami lahayd saddex jiho.

"Waxaan balaarinay furimaha dagaalka ee ka dhanka ah argagixisadda Al-Shabaab. Waxaan ku kordhinay dagaal ka dhanka dhaqaalaha iyo mid dhanka fekerka ah," ayuu ku nuux-nuux-sadey.

Saaxiibadda caalamiga ah ayuu ku tartarsiiyey in ay kala shaqeeyaan dowladiisa sidii ay kula shaqeyn lahaayeen siyaasadda cusub ee maamulkiisa doonayo in uu kusoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Al-Shabaab waxay sheegtaan Muslimiin balse xaqiiqaddu waxay tahay in aysan Islaam ahayn; waa koox maafiyo ah oo isku-qarinaya Islaamka waana in aan kashifnaa arrintaas," ayuu carabka ku adkeeyay.

Maamulkiisa ayuu daaha ka rogay in uu hirgeliyey qorsheyaal cad-cad oo ay kamid tahay xoojinta dagaalka dhanka warbaahinta ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyadda oo la adeegsanayo culimadda iyo dadka caanka ah.

"Waxaan u baahanahay in aan shacabka Soomaaliyeed u muujino in Al-Shabaab aysan wax lug ah ku lahayn diinta Islaamka waxaana hirgelinay qorsheyaal aan arrintaas wax uga qabanayno," ayuu tibaaxay.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya. Maamulka cusub ee Xasan Sheekh wuxuu balanqaadey in uu kusoo afjarayo sanadka ugu horeeya balse maka dhameyn doonaa wacadkaas?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM