Xasan Sheekh: Dabar-goynta argagixisada waa xaqiijinta duni nabdoon

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay Jamaacadda LUISS Guido Carli ee Rome.

ROME, Talyaaniga - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacadda LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Xasan Sheekh oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay "halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira".

Madaxweynaha ayaa "adkeeyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxaha argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira".

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu hoosta ka xariiqay "in ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga".

Dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah ayuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya dooneyso "si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM