Xasan: Farmaajo yuusan dulqaadka u qaadan dayuusnimo

Image
Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxay dalbadeen "ballaarinta" shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. [Photo: Mohamed Maax]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Farmaajo waa in uusan dulqaadka siyaasiyiinta u qaadan dayuusnimo, sida uu uga digay madaxweynihii xilka ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamuud oo warbaahinta la hadlay kadib kulan Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada ku yeesheen Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo uu la "kufay taladii ay u dhiibteen shacabka Soomaaliyeed".

"Waxa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhawaaqay xalay waali waaye aan ku imaan miyir iyo mas'uuliyad. Dulqaadka dadka in dayuusnimo loo qaato sax ma ahan," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan Sheekh.

Sida laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka oo luuqad adag adeegsadey, Farmaajo ayaa Soomaaliya wuxuu qarka u saarey burbur iyo colaad sokeeye.

"Midowga Musharaxiinta waxay ummadda Soomaaliyeed u sheegeen in wadada kaliya ee furan ay tahay shirka uu ra'iisul wasaaraha isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaranka iyo sixida qaladaadka," ayuu xusay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Maxamuud oo taageeray shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kuna baaqay in ay ka qeybgalaan saamileyda siyaasadda ayaa shaaciyey "laba qodob uu Farmaajo na kala doorad-siinayo".

"Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu na kala doorsad siinayaa laba aan midkoodna la qaadan karin oo kala ah - waan sii joogayaa ama doorashada sidaan rabo loo qabanayaa - wax la aqbali karana ma ahan," ayuu tibaaxay.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo uu tixraaxay khudbad uu shalay ka jeediyey xuska maalinta bileyska Soomaaliyeed, ayuu uga digay isku day kasta oo muddo kordhin kale.

"Maxamed Mursal hadda kahor ayuu dalkan khatar geliyey markii uu muddo kordhin sharci darro ah ku dhawaaqay. Waan ka digaynaa. Wadadaas mid la maro ma ahan. Waa xiran tahay. Horay ilaahey kuu asturay, ha u noqon," ayuu ku booriyey.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay ku fekereyso xil ka qaadista ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble, muddo kordhin laba sano ah oo Farmaajo loo sameeyo iyo dhismaha xukuumad ay qayb ka yihiin mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM