Xasan Sheekh: Itoobiya diyaar uma aha inay ka laabato Heshiiska Badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay Itoobiya u doonayso inay badda ku gasho, isagoo xusay in Xukumadda Abiy Axmed aysan rabin inay ka noqoto heshiiskii muranka dhaliyay ee Somaliland.

Is-afgaradka oo la saxeexay horraantii 2024, ayaa khilaaf xooggan ka dhex dhaliyay Geeska Afrika, taas oo qasabtay in la dhexdhexaadiyo, iyadoo Turkiga u qabtay Isniintii kulan fashilmay oo ka dhacay magaaladda Ankara, halkaasoo ay ku sugnaayeen labada wasii arrimo dibadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diiday in ay ka laabato heshiiskaasi oo ku xadgudbaya madaxbanaanida dhuleed iyo midda dalka.

"Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in ay [Itoobiya] ka laabanayso heshiiska," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Itoobiya ay ka codsatay Turkiga inay dhexdhexaadiso. Wuxuu sheegay in ergada Itoobiya iyo Soomaaliya aysan wada hadal toos ah yeelan, balse Turkiga uu dhexdhexaad ka yahay.

Itoobiya waxa ay Somaliland la gashay heshiis kaas oo marka uu hirgalo ay helayso 20 KM oo Badda Cas ah oo laga dhisayo Saldhigga Badda iyo Dekedda. Waxay Somaliland ku bedelay badda aqoonsi.

Heshiiskaas waxaa ka horyimid Soomaaliya oo wacad ku martay in ay ilaalin doonto midnimada dhulkeeda iyo madaxbanaanideeda. Wada-hadallada ka socda Ankara ayaa weli ah kuwo aan lahayn wax rajo ah in heshiis lagu gaaro.

War qoraal ah oo Isniintii laga soo saaray magaalada Ankara ayaa tilmaamaya in Soomaaliya iyo Itoobiya ay Turkiga ku kala saxiixdeen bayaan wadajir ah, kaasoo ay ku muujinayaan rabitaan labada dhinac ay ku xallinayaan arrimahooda.

Hakin Fidan oo ah wasiirka Turkiga ayaa sheegay in wadahadalo horumar weyn laga sameeyay magaalada Ankara islamarkaana wareeg labaad oo wadahadal ah bisha Sebtember mar kale lagu qaban doono dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi iyo dhiggiisa Itoobiya Taye Selassie ayaa ku sugnaa magaalada Ankara, balse ma aysan yeelan wada hadal toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaare Xamza oo safar ugu ambabaxay dalka Iraq

Booqashada Ra’iisul Wasaare Barre ee dalka Ciraaq ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare u qaadida xiriirka labada dal.

  • Soomaliya

    04-07-2024

  • 09:25AM

Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay taageero dhanka caafimaadka

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda Sucuudiga ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    04-07-2024

  • 05:04AM