Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo gaarey is-faham "qarsoodi ah"

Image
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Jubaland ayaa "ka heshiiyey" qadiyada muddo cakirneyd.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si hoose heshiis uga gaaray qadiyadd muddo badan cakir-neyd, sidda ay xusayaan warar soo baxaya.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, heshiiskan lagu gaarey daaha gadaashiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay qeybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigoodu yahay Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa muddo dheer ka biyo diidanaa qaabka loo wajahayo xaaladda ciidanka xoogga dalka qeybtiisa Jubbaland iyada oo uusan jirin wax heshiis ah oo u dhaxeeya iyaga iyo federaalka.

Axmed Madoobe ayaa doodiisu ahayd in laga talogaliyo qofka loosoo magacaabayo taliyaha qeybta 43-aad, hubka ay helayaan, hawlgalada ay qaadanayaan, askarta la qorayo, iyo waliba mushaarka la siinayo.

Heshiiska labada mas'uul oo aanan faahfaahintiisa la haynin, ayaa waxaa ka dhashay in markii ugu horeysey muddo 4 sano ah uu Kismaayo tago taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bagmadoow.

Jeneraal Bagmadoow ayaa sanadka markii uu ahaa 2019-kii waxaa laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo sababo ku aadan in Jubaland aysan raali ka ahayn.

Jeneraal Bagmadoow ayaa waxaa horey u magacaabay madaxwaynihii hore Farmaajo. Magacaabidan waxay kusoo beegantay iyada oo Jubaland ay cabashooyin badan ka tirsaneyso maamulkii 15-kii May laga adkaadey.

Tabashooyinka Jubaland waxaa ugu waaweynaa in maamulkii Farmaajo ku sameeyay beegsi gaar ah iyo in uu madaxdii waqtigaas jirtay si gaar ah u doonayeen in ay meesha ka saaraan Axmed Maxamed Islaam.

Warbixinada qaar ayaa muujinaya in maamulka Farmaajo uu dowladaha itoobiya iyo Kenya kala hadlay qadiyaddan hase ahaatee Nairobi ay si xoogan uga hor-timid ayna halkaas isku seegeen.

Hadda Bagmadoow waxa uu bilaabay kulamo iyo kormeer uu ka samaynayo xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Kismaayo, halkaas oo askarta joogta ay aad u yartahay, uusana oolin saad ciidan oo tiro badan.

Heshiiska cusub ee Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli waddanka uu dagaal ku jiro isla markaana degaanada Jubaland aysan wali ka bilaaban howlgalada lagu soo afmeerayo maleyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM