Xasan Sheekh iyo Boqorka Jordan oo is-faham ku gaarey New York

Image
Labada hoggaamiye ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

NEW YORK, United States - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Binu Xusseen. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-Shabaab. 

Labada hoggaamiye ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyagoo u ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblumaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM