Xasan Sheekh iyo furimaha dagaalka: Boor isku qarin mise dagaal dhab ah?

Image
Su'aasha waxa tahay: maxaa isbedelay hadda, maxayse tahay sababta uu Madaxweynaha ugu soo noqday jiidda hore?

MUQDISHO, Soomaaliya - Su'aallo iyo tuhun xooggan ayaa ka dhashay sababta madaxweynaha Soomaaliya dib ugu laabtey furimaha dagaalka maalmo kahor kalfadhiga baarlamaanka labadiisa aqal.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore tagay degaanka Wargaani halkaas oo labo maalmood uu u joogay wax uu xafiiskiisa warfaafinta ku tilmaamay "la kulanka saraakiisha ciidamadda".

Balse khuburada amniga iyo mucaaradka ayaa tuhunsan in madaxweynaha uusan daacad ka ahayn gulufka. Cabdisalaam Guuleed ayaa kamid ah dadka naqdinaya ololahan.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU QORAY CABDISALAM

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale lagu arkay jiidaha hore ee dagaalka, isagoo ku labisan dareeska ciidamada.

Dhamaadkii 2022 iyo ilaa 2023, dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa bulshooyinka ayaa ku guuleystay in Al-Shabaab laga xoreeyo boqollaal dhul oo kiiloomitir.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa markii dambe baneysay 16 magaalo oo muhiim ah, iyo tuulooyin ka tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo ay ku waayeen dhowr taliye oo muhiim u ahaa ciidanka XDS, taasoo loo aaneynayo xeelad iyo diyaargarow la’aan.

Tani waxay dhalinaysaa su'aasha: maxaa isbedelay hadda, maxayse tahay sababta uu Madaxweyne HSM ugu soo noqday jiidda hore?

Dadka dhaliila ayaa ku doodaya in Madaxweynaha uu isku dayayo in uu ka baxsado indha-indheynta siyaasadda, waxaana ay ku doodayaan in aanu weligii daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.


GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM